Ciidanka Itoobiya oo sii daayey Saraakiishi Ahlu Suna iyo Dooxada shabelle ee ay xireen

Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa xabsiga ka sii daayey C/fataax Xasan Afrax oo ah gudoomiyaha maamul la magac baxay Dooxada Shabelle iyo Adan Cabdulle Cawaale oo isna sheegta inuu Ahlu Sunna wakiil uga yahay Hiiraan.

Labadaan mas,uul ayaa xalay maqribki waxaa xiray ciidamada Itoobya kadib marki ciidamo kala taabacsan ay ku dagaalameen duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

C/fataax iyo Aadan Cawaale oo labaduba la hadlay warbaahinta ayaa beeniyey in ay xireen ciidamada Itoobiya, balse ay xalay ilaa iyo saakay kula jireen saraakiisha Itoobiya ee joogta Baladweyne wada hadalo ku aadan dhinaca amniga.

Waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in magaalada ay ku dagaalamaan labada dhinac waxaana ay ka wada tacsiyeeyeen qasaarihi ka dhashay iyo dadki ku dhintay dagaalki shalay.

Dhanka kalana waxaa saacadaha soo aadan lagu wadaa in magaalada Baladweyne ka dagaan wafdi ka socda hey’adaha samafalka caalamiga ah, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif haatan ku sugan mas,uuliyiin ay ku jiraan labada nin ee maanta lasoo daayey iyo xildhibaano ka tirsan dowlada KMG Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.