Ciidanka Itoobiya oo 15-km usoo jirsaday magaalada Baydhabo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada isagarabsanaya ee dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ay soo dageen 15-km.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada Itoobiya oo saakay soo qabsaday degmada Bardaale ayaa hada ku sugan deegaan lagu magacaabo Aw-Diinle oo aad ugu dhaw magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha gobolka Bay ee dowlada KMG Soomaaliya C/fataax Geeseey oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay hada wadaan ciidamada howlo baaritaano miino oo ay wada ka sameynayaan, waxa uu intaasi ku daray in goor dhaw ay gali doonaan magaalada Baydhabo.

Boqolaal qoys ayaa isaga baxay magaalada Baydhabo kuwaasi oo ka baqaya in dagaal uu ku dhexmaro magaalada ciidamada Itoobiya iyo Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa intooda badan ka baxay magaalada, iyaga oo xalay ka furtay magaalada idaacada Andalus laanteedii Baydhabo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.