Ciidanka dowlada oo toogtay laba nin oo lagu eedeyey in ay dilal ka geysteen Wadajir

Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta toogasho ku dilay laba nin oo loogaga shakisanyahay in ay lug ku lahaayeen dilal kala duwan oo xalay degmada Wadajir ka dhacay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkeen askar ka tirsan ciidamada dowlada oo tooganaya laba nin oo mid ka mid ah laga yaqaanay xaafada Buula Xuubeey inta u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha iyo Isgoyska KM-4.

Qof diiday magaciisa ayaa sheegay in nin ka mid ah labada ruux ee la dilay lagu weeraray xaafada Tiitiinleey oo duleedka kaga taala dhismaha xarunta UNDP ee degmada Wadajir.

Sida ay wararku sheegayaan dilalkaan ayaa daba socda afar ruux oo xalay siyaabo kala duwan loogu toogtay xaafada Buula Xuubeey ee degmada Wadajir oo kooxo ka tirsan Al Shabaab ay dad ku laayen.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada amaanka iyo maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dilalkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

  1. waa gacan ku dhiiglayaal oo wiilasha dhalanyarad dilaayaan dolada ma aha dad jiro waa xayawaano oo diina aqoon qofkey dilayaan ma garanaayaan lakiin dolad soomaliya kama jiro waa lacan ku dhiiglayaal oo hubeysan abaal koodana la mariyo

Comments are closed.