Ciidanka dowlada oo sheegtay qabsashada Afmadow

Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolada Jubooyinka ayaa sheegtay in ay qabsadeen magaalada Afmadow kadib dagaal maanta ka dhacay halkaasi.

Afmadoow oo u dhaw magaalada Kismaayo ayaa waxaa heystay in muda ahba Xarakada Al Shabaab, hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in galabta dagaal ka dhacay ay halkaasi kula wareegeen ciidamada dowlada.

Ma jirto war madax banaan oo arrintaasi xaqiijinaya, sidoo kale wax war ah kama aysan soo bixin Al Shabaab oo ku aadan arrintaasi.

Dhanka kalana wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi laga dareemayo diyaar garoow dagaal oo ay ka wadaan saraakiisha Al Shabaab xilli ay soo yaraaneyso magaalooyinka ay waaweyn ee ay Shabaabku ka maamulaan koonfurta Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa waxaa dagaal uga furan shan jiho, waxaana ku lug leh dagaaladaasi dowlada KMG, dowladaha Ethiopia, Kenya, Jabuti, Uganda, Burundi iyo Midowga Africa.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.