Ciidanka dowlada oo furay wadada isku xirto SOS iyo Darmooleey ayey fureen

Ciidanka dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo shalay la wareegay qeybti ugu danbeysay ee degmada Hurwaa ee maagaalada Muqdisho ayaa maanta furay wadada isku xirto xaafada SOS iyo deegaanka Darmoole.

Abaan duulaha ciidamada dowlada General C/kariin Yusuf Dhagabadan oo wariyaasha kula hadlay xaafada Suuqa Xoolaha ayaa sheegay in ujeedkooda koowaad uu yahay xaqiijinta amaanka iyo sidi ay u ilaalin lahaayeen shacabka.

Wadadaan ayaa xirneyd mudo bilooyin ah waxaana isku hor fadhiyey ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM iyo Al Shabaab oo dhinac kale ah, waxaase ay dhameystireen shalay kadib marki ay ciidamada isgarabsanaya shalay xaaqeen Al Shabaab.

Mr. Dhagabadan ayaa dhanka kale ka warbixiyey istaraatiijiyadi ay ku qabsadeen xerada Masalax iyo xaafada Suuqa Xoolaha shalay.

“Dagaalka halkan lagu yimid ma aheyn dagaal iska yaac ah, wuxuu ahaa dagaal istaraatiijiyadeed kaasi oo ku dhisnaa in aan ilaalino shacabka waxaana go,aansanay in aysan dhibaato gaarin,”  ayuu yiri.

Dhanka kalana afhayeenka AMISOM ayaa sheegay in ay haatan gacanta usoo wada gashay magaalada Muqdisho, isla markaana isu diyaarinayaan in ay u jiheestaan gobolada dalka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.