Ciidanka dowlada oo dad ku qab qabtay Baladweyne

Howlgalo ay maanta ka sameeyeen magaalada Baladweyne ayey ciidamada dowlada KMG Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ku qab qabteen dad loogaga shakisanyahay in ay ka tirsanyihiin Al Shabaab.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim ayaa sheegay in ciidanka ay maanta ka qabteen galbeedka magaalada ilaa iyo 8 ruux oo lagu tuhmayo in ay lug ku leeyihiin weerar xalay lagu qaaday fariisin ay ciidamada dowlada ku leeyihiin isla xaafadaha Galbeedka.

“Howlgalka waxa lagu qabtay sideed nin oo loo maleynayo in ay ka mid yihiin nimankan khawaarijka marka waanu baari doonaa, waxa xalay jiray weeraro ay nagu soo qaadeen sidoo kalana bam ayey ku weerareen guri uu leeyahay mid ka mid ah ganacsatada,” ayuu yiri.

Xalay ayaa weeraro ka dhacay iska hor imaadyo ka dhacay Baladweyne waxa ku dhaawacmay laba askari oo ka tirsan ciidamada dowlada sida ay sheegayaan ilo wareedyo madax banaan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.