Ciidanka dowlada KMG oo qabsaday fariismu cusub oo ku yaala duleedka Muqdisho

Saraakiisha ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ayaa ka warbixiyey howlgalo is balaarin ah oo ay saakay ku qaadeen duleedka iyo dacalada magaalada Muqdisho.

Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dowlada KMG Soomaaliya, General C/karin Farax Dhagabadan oo goor dhaweyd la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in ay qabsadeen dhul balaaran oo ku yaala gudaha iyo duleedka degmooyinka Kaaraan iyo Hiliwaa ee magaalada Muqdisho.

Dhagabadan oo tilmaamay in aysan ka hor imaan wax iska caabin ah ciidamada isgarabsanaya ayaa carabaabay meelaha ay qabsadeen Masaajidka Dabaqeynka, deegaanka Sheekh Cali Cabdulle iyo meel u dhaw Galgalato sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ka bixinay meelihi ay ugu xooganaayeen, dhanka Suuqa Xoolaha eeriyada masaajidka Dabaqeynka, xaafada Gubadleey, duleedka Kaaraan halka lagu magacaabo Sheekh Cali Cabdulle, waxaana haatan ku dhawnahay deegaanka Galgalato,” ayuu yiri.

Afhayeenka Amisom Pady Ankunda ayaa isna sheegay in ay horumar ka sameeyeen howlgalo ay saakay ku qaadeen fariisimo ay Al Shabaab horay u heysteen kana soo weerari jireen.

Mr Ankunda ayaa sheegay in meelahaasi ay ka mid yihiin Xaafada Suuqa Xoolaha, duleedka Keesaneey iyo Sheekh Cali Cabdulle.
Al Shabaab ayaa habeenadi lasoo dhaafay dagaalo abaabulan kaga soo qaadayey ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya meelaha ay haatan la wareegeen ciidanka dowlada.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Shabaab oo ku saabsan arintaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.