Ciidanka dowlada iyo Shabab oo guulo ka kala sheegtay dagaal ka dhacay J/hoose

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxayo dagaalo shalay ka dhacay tuulooyin u dhaw dhaw degmada Qooqaani ee gobolka J/hoose, kuwaasi oo dhexmaray Al Shabab iyo ciidamada is garabsanaya.

Sida ay wararku sheegayaan dagaalada ayaa ka danbeeyey marki ay ciidamada dowlada weerar ku qaadeen tuulo lagu magacaabo Xaya oo ay fariisin ku lahaayeen Al Shabaab halkaas oo uu ka dhacay dagaalka xoogiisa.

Afahayeen u hadlay ciidamada dowlada oo la yiraahdo Maxamed Sheekh Yusuf ayaa sheegay in ay duulaan abaabulan oo ay ka qadeen Qooqaani kula wareegeen deegaanka Xaya.

Laakin afahyeenka Shabab C/casiis Abu Muscab ayaa beeniyey, waxana uu sheegay in ay iska difaaceen weerarki kaga yimid xaga dowlada, waxa kale oo uu sheegay in ay ka gubeen gaadiid sidoo kalana ka qabteen ciidamo.

Xaalada ayaa saakay xasiloon, mana jiro war ka madax banaan sheegashada labada dhinac oo ku aadan cida qabsatay tuulada Xaya oo aad ugu dhaw deegaanka Qooqaani ee gobolka J/hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.