Ciidanka doowlada oo saakay ku wajahan Buur-dhuubo

Taliyaha Ciidamada doowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo Jamaal Xasan Fareey oo wareeysi siinayay warbaahinta gudaha, ayaa waxa uu sheegay in Ciidamadooda Saakay ku wajahanyihiin degmada Buur-dhuubo.

Hadalka taliyaha ayaa kusoo aadaya xilis halay dagaal xoogan uu halkaas ku dhexmaray Al-shabaab iyo Ciidanka doowlada.

“Inaan horay ugu sii durugno goobo cusub waa ujeedadeena, difaacyadii hore ee Al-shabaabna hada waa dhaafnay, waxaana ku wajahanahay degmada Buur-dhuubo” ayuu yiri taliyaha.

Taliyaha waxa uu sheegay in Saacadaha fooda nagu soo haya ay Ciidamadooda gaari doonaan degmada, islamarkaasna hadda ay ku suganyihiin meel udhow.

Dhinaca kale Afhayeenka Al-shabaab Cali dheere oo isna lahadlayay warbaahinta kuhadasha afka Al-shabaab ayaa sheeganaya in iyagana gawaarida dagaalka ay ka gubeen Ciidanka doowlada, lakin majirto ilo madax banana oo xaqiijinaya sheegashada labada dhinac.

Xaalada deeganada shalay dagaalada ku dhexmareen labada dhinac ee gobolka Gedo ayaa saakay dagan, inkastoo Ciidanka doowlada dhaqdhaqaaq ay wadaan laga dareemayo halkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here