Ciidanka Bada Kenya oo qiray in ay duqeeyeen Kismaayo

Saraakiisha ciidanka bada ee dalka Kenya ayaa xaqiijiyey in ay duqeeeyeen magaalada Kismaayo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka bada Kenya Colonel Cyrus Oguna ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen Al Shabab isla markaana weerarkaasi uu qeyb ka ahaa qorshaha uu Midowga Africa ku qabo inuu ku qabsado magaalada.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Al Shabab ay kusoo gureen Kismaayo ciidamo gurmad ah, waxa kale oo ay sheegeen in dad badan ay magaalada ka barakaceen.

Ciidamada Midowga Africa ee ku sugan Jubada Hoose ayaa wacad ku maray in ay qabsan doonaan magaalada dakada leh ee Kismaayo oo ay maamulaan Al Shabaab.

U dhaqaaqida Kismaayo ayaa imaanaya xilli baarlamaanka Soomaaliya uu isu diyaarinayo inuu doorto madaxweyne cusub kadib marki ay dhamaaday Dowladi KMG ee dalka ka jirtay sideedi sadno ee lasoo dhaafay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here