Ciidanka AMISOM oo la kala dhex dhigay Beelihii ku dagaalamay Deegaanka Deefoow

JabuutiKadib dagaal shalay ka dhacay Deeganaka Deefoow ee Duleedka Magaalada B/weyne ayaa waxa maanta Xaaladu tahay mid deggan inkastoo weli beelihii dagaalamay ay is hor fadhiyaan.

Wararkii ugu dambeeyey ee Deegaanka Deefoow laga helayo ayaa sheegaya in ciidan katirsan AMISOM la geeyey Deegaanka Deefoow oo dagaalka dhiiga badan ku daatay shalay uu ka dhacay.

Saraakiisha Ciidanka AMISOM kuwooda ka socda Dawlada Jabuuti ayaa waxay sheegeen inay kala dhex galayaan beelaha walaalaha ah ee ku dagalaamaya mudada sanadka ka badan dagaalkooda kusoo laab laabtay deegaanada Deefoow iyo Kabxanleey Wuqooyiga Magaalada B/weyne.

Is qab qabsi iyo Aano qabiil ay isku beegsadeen ayuu dagaalka ku bilowday taasi oo xitaa sanadkii hore 2014-kii ay beelaha dirirta udhaxeyso iska gubeen guryo ay shacabka deggenaayeen Deefoow iyo Kabxanleey.

R/wasaaraha Dalka Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax ayaa labaduba waxay cambaareeyeen dagaalka kasoo cusboonaaday Deefoow iyagoona ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here