Ciidanka AMISOM & Kuwa Jubba oo Duulaan ku qaaday Degmada Jilib

Dagaalyahannada-Raaskambooni

Ciidanka Maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM ayaa waxay duulaan ku qaadeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe oo ay Al Shabaab Fariisin weyn ku leeyihiin.

Duulaankaan ayaa la sheegay inay ka dambeysay markii Ciidanka Huwanta muddo kusugnaayeen Deegaanka Buula Guduud oo Al Shabaab ay dagaalo xoogan kula galayeen waxaana markii dambe shalay ay ka dhaqaaqeen halkaasi muddo lagu hor fadhiyey.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka Maamulka Jubba iyo AMISOM ay ka gudbeen Webiga iyagoo uruqaansaday dhinaca Degmada Jilib ee Gobolka Jubada Dhexe.

Sargaal katirsan Maamulka Jubba oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay inay Howlgalka Badweynta Hindiya kala qeyb galayaan Dawlada oo dhankooda Jubbooyinka howlgalkaasi ka sameynayaan isagoo sheegay saacadaha soo socda inay ku rajo weyn yihiin qabsashada Degmada Jilib.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa sidoo kale laga soo sheegayaa Degmada Jilib oo ay sameynayaan Ururka Al Shabaab si ay iskaga difaacaan weeraro kaga imaanaya dhinaca Ciidanka iskaabaya ee AMISOM iyo Askarta Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe Hoostaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here