Ciidamo Xoog leh isuguna jira Soomaali iyo Ethopian oo Gaaray Garbahaareey

Ciidamo aad uhubeysan isuguna jira Soomaali iyo Ethiopian ayaa lasoo sheegayaa in Saacadihii ugu danbeeyay ay gaareen magaalada Garbahaareey ee xaruunta gobolka Gedo, Ciidamadan ayaa sida lasheegay waxa uu qorshahooda yahay ineey weerar ku qaadaan magaalooyinka Baar-dheere iyo Buurdhuubo oo ay hada maamulaan Al-shabaab.

Ciidamadan manta ayaa in mudo ahba waxay tababaro ugu xareeysnaayeen gudaha dalka Ethiopia, waxaana markii ay gaareen magaalada Garbahaareey si weyn halkaas ugu soo dhoweeyay maamulka doowlada iyo shacab aad ufarabadan.

Ciidamadan ayaa waxay yihiin kuwii dagaalka xoogan uu labadii maalin ee lasoo dhaafay ku qabsaday duleedka magaalada Garbahaareey, waxayna fariisimo ka samaysteen gudaha iyo afaafka magaalada.

Sida ay sheegayaan qaar katirsan Saraakiisha Ciidamada doowlada Soomaaliya, Ciidamadan maanta soo gaaray Garbahaareey ayaa waxaa loo qorsheeyay ineey qabtaan magaalooyinka Garbahaareey iyo Buurdhuubo, oo ay hadda gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Dhanka kale Saraakiisha Ciidamada doowlada oo soo hadalqaaday dagaal labadii maalin ee lasoo dhaafay kadhacayay halkaas, ayaa waxay sheegeen ineey guulo ka gaareen dagaalkaas, islamarkaasna ay ku bur buriyeen difaacyadii ugu weeynaa ee Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here