Ciidamo weeraray xabsiga dhexe kalana baxay ciidamado hore uga ahaa ilaalada R/wasaaraha

Ciidamo ka tirsan dowlada kmgaarka ah ayaa weeraray xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho iyagoo si qasab ah ugaga watay qaar ka tirsan maxaabiistii xabsigaasi ku jirtey.
Weerarkan ayaa sababay iska horimaad hubeysan inuu dhex maro ilaaladii xabsiga iyo ciidamadii weeraray waxaana la sheegay in labo ruux ay ku dhinteen halka afar kalana ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada weeraray xabsiga ayaa la rumeysan yahay inay ahaayeen qaar hab beeleed isu soo abaabulay isla markaana diidanaa xariga loo geystey ilaaladii hore ee guriga R/wasaaraha kuwaasoo loo haystay inay ku lug lahaayeen qaraxii ka dhacay TIyaatarka.
Xaalada xabsiga ayaa ah mid kacsan iyadoo ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada kumeelgaarka ah halkaasna ka bilaabay baaritaano.
Dadka lagala baxay xabsiga ayaa ah shan ruux lamana oga in maxaabiis kale oo ku jirtey xabsiga inay baxsadeen iyo inkale.
Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku xiran maxaabiis faro badan oo qaarkood  ku xukuman dil.

hase yeeshee sarkaal u hadlay DMKG ah ayaa beeniyayay in ay jiraan in lagaga baxay xabsiga Maxaabiis iyagoo weerarkaasi ku sheegay in uu ahaa ciidamo gadood sameeyay iyo in nin uubam kusoo tuuray xabsiga isagiina la qabtay.