Ciidamo Taangiyo wata oo ka socda dalka Jabuuti oo gaaray magaalada Beledweyne

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in ay soo gaareen ciidamo ka  tirsan AMISOM kana socda dalka Jabuuti.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay tiradoodu gaareyso illaa saddex boqol oo askari waxana ay wataan illaa lixdan taangi.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay safar dhulka ah soo mareen iyagoo soo maray gudaha dalka Ethiopia. Amisom ayaa waxaa ay hore u qorsheysay in la geeyo gobolka Hiiran ciidamo ka socda Jabuuti oo gaaraya kun askari.

Magaalada Beledweyne ayaa waxa hore u joogay ciidamo ka socda dalka Jabuuti iyo Ethiopia.

Imaanshaha ciidamadan ayaa waxaa ay ku soo beegantay xilli magaalada Beledweyne ay inta badan dadkii ku noolaa ay daadad ku soo rogmaday ugaga barakaceen.

Ciidamo ka socda wadamo Afrika ayaa ku sugan gobolo badan oo dalka Soomaaliya ah iyadoo markii hore ay ciidamadan ay joogeen magaalada Muqdisho oo qura.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here