Ciidamo kawada Tisran Al-shabaab oo ku dagaalamay Beer-xaano

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Hiiraan ayaa ku waramaya in Ciidamo ka wada tirsan Al-shabaab uu xalay dagaal ku dhexmaray deegaanka Brrxaano.

Ciidamada  ka wada tirsan  Shabaab ayaa xalay dagaal culus ku dhex maray deegaanka Beer-xaano oo 25 km koofur ka xigta magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada Sadex ka mid ah Ciidamadaas halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 7 ruux.

Warka ayaa intaasi ku daraya in saaka ay halkaasi gaareen ciidamo kale oo ka tirsan Shabaab.  kuwaas oo aan la ogeyn dhinaca ay taageerayaan, waxaana deegaankaasi ka taagan saan saan colaadeed iyo cabsi farabadan oo ay qabaan dadka deegaanka.

Waxaa xusid mudan in maalmihii u danbeeyay Ciidamo ka wada tirsan Al-shabab uu dagaal ku dhexmarayay deegaanada ay haatan dalka Ka maamulaan, waxana dagaalkaas uu salka ku hayaa khilaaf soo kala dhex galay madaxda ugu sareysa Ururka oo laba garab u kala jabay.

.

 

1 COMMENT

  1. Walaahi waa yaab hadaan shacabka soomaaliyeed xageen u raacnaa arimaahaan cakiran islaamkii dhexdooda ayaa is dilaaya nimankii dowlada sheeganaayey ayagaaba balaayo sii hurinaaya oo waad aragtaaan kismaayo dowlada waxa aya ku heyso oo dhibaato ah. Aniga waxaan dhihi lahaa umada soomaaliyeeed haka tashato waxaan socda oo dhan hal mowqifna haka qaataan

Leave a Reply to Axmed Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here