Ciidamo kawada tirsan Shabaab oo ku dagaalamay Baraawe

Wararka naga soo gaaraya degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in Ciidamo kawada tirsan Al-shabaab oo ay kala wataan Hogaamiye Axmed Godane iyo Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur ay xalay ku dagaalameen halkaas.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalka uu ahaa mid aad u kulul oo faraha looga gubtay, islamarkaasna labada dhinac ay isku adeegsanayeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Sarkaal lagu magacaabo Axmed Karataay oo ka amar qaata amiirka Al-shabaab Axmed Godane uu weerar kusoo qaaday Ciidamo ka amar qaata Mukhtaar Rooboow iyo Xasan Daahir Aweys oo ku sugan gudaha degmada Baraawe.

Degmada Baraawe oo ah meelaha ay kusii danbeeyaan Al-shabaab, ayaa hada u muuqata mid ah ka taagantahay dhiilo Colaadeed oo u dhaxeyso Al-shabaab gudahooda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here