Ciidamo katirsan Doowlada oo Saakay Dil iyo Dhaawac Ka Geysatay isgoyska Sanco

Sida ay noo xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah,ayaa saakay waabarigii rag katirsan ciidamada doowlada KMG oo ay isbaaro utaal isgoyska Sanco waxay rasaas ku fureen gaari BL ah oo halkaas marayay.

Inta lahubo hal qof oo rayid ah ayaa ku geeriyooday,laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray,dadkan ayaa kamid ahaa rakaab saarnaa gaari BL ah oo halkaas kararanayay.

Goob jooge kusugnaa halkaa oo diiday inaan magaciisa soo xigano ayaa noo sheegay in wadaha gaariga uu diiday inuu bixiyo lacag baad ah oo gawaarida halkaas isticmasha laga qaado,intaas kadibna uu mid kamid ah askarta halkaas jidgooyada utaal rasaas ooda kaga qaaday.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa isasoo tarayay askarta katirsan ciidanka dowlada ee waxyeelada,dhaca dilka iyo kufsigaba ugeysta dadka shacabka ah,iyadoo masuuliyiinta dowlada iyo saraakiisha ciidamadaba ay ku mashquulsanyihiin ololaha doorashooyinka warna aysan kahaynin dhibaatada ay shacabka kuhayaan qaar kamid ah askarta.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here