Ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG oo ku dagaalamay degmada Dharkeenley

Ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta uu iska hor imaad ku dhexmaray degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadkan uu yimid kadib markii ciidamo taabacsanaa maamulka degmada oo labisnaa dareyska ciidamada ay isbaaro dhigteen Isgoyska Tabakaayo Madow, kaasoo ay doonayeen inay gaadiidka lacago uga qaadaan.

Ciidamada Booliska saldhiga galbeed oo lagu soo wargeliyay arrintan ayaa durba isku dayay inay ciidamada ka qaadaan isbaarada, hase ahaatee markii ay diideen labada dhinac is rasaaseeyay.


Hal askari ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dad rayid ahaa, iska hor imaadka ayaa daqiiqado kadib qaboobay kadib markii ciidamadii isbaarada dhigtay ay ka carareen goobta.

Isku dhacyada dhex mara ciidamada dhexdooda ayaa magaalada inteeda badan wax caadi ah ka noqday, waxaana wadooyinka magaalada lagu arkaa ciidamo qoryo kula laafyooday dareyska ciidamadana xiran.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.