Ciidamo ka Tirsan Shabaab oo u Goostay Dhanka Puntland

Ciidamo hubeysan ayaa la soo sheegayaa in maanta oo Sabti ah ay ka soo goosteen Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta Buuraleyda Galgala.

Ciidamo la sheegay in ey ka tirsanyihiin xarakada Shabaab oo u soo goostay dhanka maamulka Puntland iyagoo gawaari dagaal iyo hub badan sita.

Ciidamadaani ayaa ka soo goostay dagaalyahanada uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Atam oo shaaciyey inay ku biireen Xarakada Al-Shabaab waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadaasi ay ku biireen maamulka Puntland.

Col. Aadan Saciid Warsame oo ah Taliyaha ciidamadda booliska maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo wato gaadiida dagaalka ay maanta ku soo biireen maamulka Puntland.

Taliyaha ayaa xusay in si weyn ay usoo dhaweeyeen ciidamaasi waxa uuna ugu baaqay ciidamadda kale ee wali ku sugan Buuraleyda Galgala kuwaasi oo ka soo horjeeda maamulka Puntland inay isku soo dhiibaan maamulkooda.

Buuraleyda Galgala ayaa ah meel ay ku sugan yihiin ciidamo uu hoggaamiyo Sheekh Maxamed Siciid Attam oo ka soo horjeeda maamulka uu hoggaamiyo C/raxmaan Faroole.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here