Ciidamo ka Tirsan Kenya oo Xalay lagu Weeraray Magaalada Gaarisa

Koox hubeysan oo aan la aqoon ayaa xalay weerar ku qaaday ciidamo ka tirsan kuwa Dowlada Kenya, kuwaasoo ku sugnaa bartamaha magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Waqooyi Baei Kenya.

Mid ka mid ah dadkii xiligaasi ku sugnaa Bartamaha Magaalada Gaarisa ayaa Barigaafrika.net u sheegay in ciidamada amaanka oo ku sugnaa Bartamaha, waxaana kooxaha hubeysan ay weerarka ku gaadeen ciidamada Kenya.

Weerarka oo ahaa mid xoogan lama oga khasaaraha dhabta ah, balse warar kale ayaa sheegaya in weerarka ay ku dhinteen 3 ruux oo mid ka mid ah uu yahay Askari ka tirsan ciidamadii la weeraray, halka labada kale ay ahaayeen Dad Rayid ah.

Kooxaha weerarka soo qaaday ayaa baxsaday, lamana oga halka ay u baxsadeen, waxaana Saaka ka socda Magaalada Gaarisa baaritaano culus oo ay ciidamada amaanka ku baadi goobayaan kooxihii xalay.

Magaalada Gaarisa ee Xarunta Gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa ah meelaha ugu amaanka xun Kenya, waxaana magaalada ka dhaca dagaal fool ka fool ah iyo dilal qorsheysan oo lagula kaco ciidamada amaanka ee dalka Kenya.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay weerarkaan, waxaana ay Dowlada Kenya falalkan ku eedeeysaa Xarakada Alshabaab oo dagaal xoogan uu ku dhexmarayo gudaha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here