Ciidamo ka Tirsan Dowladda oo Qarax Xoogan lagula Eegtay G/Shabeelaha Hoose

Qaraxaani oo ahaa mid miino ayaa waxuu ka dhacay agagaarga garoonka diyaaradaha balidoogle ee Gobolka shabelaha hoose waxaana wararku ay sheegayaan in qaraxaasi lala eegtay gaari Cabdbille ah oo  mararyey wadadasi.

Ciidamo badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saarnaa gaariga qaraxa lala eegtay kuwaasi oo iyaga oo siigalaya Garoonka Diyaaradaha Belidoogle lal eegtay qaraxa.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi  ayaa hadaan wararka waxa ay inuu jiro kahsaaro kala duwan oo cidamaad Dowlada Soomaaliya ksoo gaaray kharaxaasi.

Gaari oo ay saarnaayen ciidamo badan oo ka tirsan Dowladda Somaaliya ayaa la socday gaariga qaraxa lala eegtay kaasi oo ka ambabaxay Degmada Wanlaweyne ee Gobalkaasi Shabeelaha Hoose.

Majirto Saraakiisha ciidamada Dowladda Soomaaliya wax war ah oo kasoo baxay kasi oo ku aadan qaraxa lala eegtay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here