Ciidamo ka tirsan dowlada oo qarax lagula eegtay degmada Hurwaa

Laba askari ayaa ku dhimatay laba kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray kadib marki baabuur ay la socdeen maanta qarax lagula eegtay xaafada Suuqa Xoolaha degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay gaariga la weeraray ayaa ahaa Cabdi Bile waxaana la socday nin kabtan ah isla markaana ahaa taliye urur ciidan kaasi oo lagu magacaabo Saneey Cabdulle.

Sarkaalkaasi ayaa ka badbaaday weerarka, waxaana ay kusii jeedeen degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe xiligi la weerarayey.

Waa qaraxi labaad oo degmada Heliwaa lagula eeganayo saraakiil ka tirsan Dowlada KMG Soomaaliya, laba cisho ka hor ayaa gaari uu la socday gudoomiye xigeenka gobolka Shabeelaha Dhexe lagu qarxiyey miino.

Shilkaasi waxaa ku dhintay ilaa iyo lix askari iyadoo uu ka badbaaday weerarkaasi Yusuf Cabdi Garre.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here