Ciidamo ka tirsan Dowlada oo qabtay qalabki ay ku howlgali jirtay Radio Andalus

Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ee ku sugan koontaroolka magaalada Marka ayaa galabta qabtay qalabki ay ku howlgali jirtay idaacada Radio Andalus ee Xarakada Al Shabab qeybta Marka.

Qalabkaan oo isugu jiro FM, kombayuutaro, iyo walaxaha qarxa ayaa laga helay gaari nooca yar ah kaasi oo kasii baxayey magaalada kuna sii jeeday deegaanada kale ee Al Shabab ay hada ka joogana Shabeelaha Hosoe.

Sarkaal tirsan taliyaasha ciidamada ee hada ku sugan Marka G/sare Ismacil Axmed Cisman ayaa xaqiijiyey in baaritaan ay sameeyeen kadib ku ogaadeen in qalabka ay hayaan uu yahay idaacadi Al Shabab ee Magaalada Marka Radio Andalus.

“Waxaan qabanay maanta 6:00 maqribnimo baabuur ay saarnaayeen Idaacadi Andalus ee Marka iyo walxa qarxa, baabuurka magaalada ayuu ka baxayey waxaana la socday dad isugu jiray rag iyo dumar, qalabka waxa uu isugu jiray FM-ti idaacada, kambayuutaro iyo jaakadaha qarxa,” ayuu yiri.

Al Shabab wali wax war ah kama aysan soo saarin qalabkaasi laga qabtay iyo dad la socday baabuurka uu qalabka saarnaa.

Al Shabab ayaa horay ula wareegeen qalabka idaacado dhowr ah oo ku yaala Muqdisho kuwaasi oo kala ahaa GBS, Somaliweyn, Catipal Voice, Horn Afrik iyo Idaacada Qur,aanka Kariimka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here