Ciidamo ka tirsan dowlada oo maalinti labaad tacshiirad isku weydaartay Fagaaraha Tarabuunka

Ciidamo ka wada tirsan dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta isku rasaaseeyey fagaaraha Tarabuunka degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Tacshiirada ayaa ka danbeysay marki ay isu soo dhawaadeen labada ciidan oo ku wada labisnaa dareeska milatariga, kadibna ay rasaas isku fureen xilli ay aad u buuxeen halkaasi boqolaal ruux oo u badan dadka soo barakacay.

Shalay ayaa isla goobtaasi waxaa ka dhacay iska hor imaad ay ku dhinteen 3 ruux oo rayid ah kuwaasi oo dhex maray ciidanka maanta is rasaaseeyey.

Ma jirto wali wax war ah oo ay kasoo saartay dowlada KMG Soomaaliya isku dhacyada maalinti labaad dhexmaraya ciidanka dowlada KMG Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.