Ciidamo ka tirsan AMISOM oo lagu qarxiyay Leego

425691_478631585509145_512897356_nDeegaanka Leego ee Gobolka Shabeelada Hoose, ayaa maanta waxaa qarax Miino lagula eegtay Ciidamo katirsan AMISOM, waxaana wararka ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay ka bad baadeen qaraxaas, laakiin waxaa halkaas ku baa ba’ay Geel aad u fara badan oo halkaas ka ag dhawaa.

Gudoomiyaha deegaanka Leego Abukar Sheekh Isaaq ayaa sheegay inuusan khasaare u gaysan qaraxa laga beegsaday ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, laakiin uu khasaare kasoo gaaray Geel fara badan oo meesha marayay.

Abukar Sheekh Isaaq gudooiyaha deegaanka Leego ayaa tilmaamay in Geel kor u dhaafaya 21 ay ku geeryoodeen qaraxa maanta ka dhacay meel 7KM u jirta deegaanka Leego, kaasi lala damacsanaa in lagu qarxiyo ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Gudoomiyaha deegaanka Leego oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegay in ciidamadii lala eegtay qaraxa ay baaritaanno xooggan ka sameeyeen agagaarka goobtii ay wax ka dhexeen, wuxuuna xusay inaysan jiri dad loo soo qabtay qaraxaas.

Deegaanada gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxaa maalmahan ku soo badanayay weerarada qaraxyada ah ee lala beegsanayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here