Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray Bardaale

Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray Bardaale
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo gaaray Bardaale

Ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe ilaa xalay soo gaaray degmada Bardaale ee gobalka Baay, sida uu Bar-kulan u xaqiijiyay maamulka degmadaasi.

Guddoomiyaha degmada Bardaale Maxamed Isaaq Carra-Case, oo u warramay Bar-kulan ayaa sheegay in ciidamadu ay qeyb ka yihiin howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.

Carra-Case ayaa tilmaamay in la doonayo in la xorreeyo deegaannada ay kooxda Shabaab kaga sugan tahay gobollada Baay, Bakool iyo Gedo.

Ciidamada AMISOM ayaa dhawaan la kordhiyay waxaana la gaarsiiyay 22kun oo askari kuwaasoo ay ku jiraan ciidamada Ethiopia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here