Ciidamo ka tirsan AMISOM oo ay la qaraxday miino ay fur furayeen

Qarax sababay qasaaro nafeed oo soo gaaray ciidamo ka tirsan AMISOM ayaa ka dhacay degmada Daayniile ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miino ay fur furayeen ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda dowlada Burundi ayaa waxa ku dhintay hal askari halka mid kalana uu dhaawac kasoo gaaray sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska taliska AMISOM.

“Waxaan ka xunahay dhibaato kasoo gaartay ciidankeena ku sugan degmada Daayniile qarax miino, askar ka tirsan ciidankeena oo isku dayey in ay fur furaan miino lagu aasay mid ka mid ah xaafadaha Daayniile ayaa xilli ay marayeen gaba gabadi waxa la qaraxday miinada, waxaa goobta ku dhintay hal askar, askari kalana dhaawac ayaa kasoo gaaray,” ayaa lagu yiri qoraal saxaafadeedka.

Warsaxaafadeedka oo kasoo baxay xafiiska taliyaha ciidanka AMISOM Fred Mugisha ayaa lagu sheegay in AMISOM ay mar walbaa ku dadaaleyso sidi ay u difaaci laheyd amaanka shacabka Soomaaliyeed.

Qoraalka laguma sheegin qasaaraha kasoo gaaray ciidamada AMISOM dagaaladi ugu danbeeyey ee ka dhacay degmada Hiliwaa ee ay ku qabsadeen xerada Maslax.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.