Ciidamo ka tirsan Alshabaab oo isu soo dhiibay ciidamada dowlada ee ku sugan Xudur

Wararka ka imanaya degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in qaar kamid ah ciidamadii Alshabaab ay isu soo dhiibeen ciidamada dkgaarka ah ee ku sugan degmada Xudur.

Mid ka mid ah xildhibaanada dkgaarka ah ee ku sugan degmada Xudur ayaa waxa uu sheegay in ay maleeshiyaad faro badan oo ka tirsan ALshabaab ay is soo dhiibeen iyagoo wata hubkooda.

Xildhibaanka ayaa sheegay waxa uu sheegay in ay daryeeli doonaan ciidamadan isu soo dhiibay waxana uu ugu baaqay dhalinyarada weli taabacsan ururka ALshabaab inay ka soo tagaan oo dowladooda dhinac ka raacaan.

Illaa iyo hadda ciidamada Itoobiyaanka ah iyo kuwa Soomaalida ah ee ku sugan degmada Xudur ayaan ka wadin wax dhaqdhaqaaq ah ciidan ah waxayna ciidamadan ay si xoog leh u adkeeyeen ammaanka xarunta gobolka Bakool ee Xudur.