Ciidamo ka socda dalka Jabuti oo gaaray deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan

Wararka ka imanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in cutubyo ka tirsan ciidamada nabad ilaalinta ee dalka Jabuuti ay gaareen deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.

Ciidammada ka tirsan Midowga Afrika gaar ahaan dowladda Jabuuti ayaa waxaa xalay gaareen deegaanka Kalabeyrka oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyagoo ka soo gudbay dhinaca ismaamul goboleedka Soomaalida ee Ethiopia,

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay la socdaan saraakiil Faransiis ah oo u qaabilsan dhinaca la talinta iyo tababarka.

Ciidamadan Jabtiyanka ah ayaa qeyb ka ah qorshe hore loo sameeyey oo ciidamada Amisom lagu kala dejinayo gobolo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Waxana wararka ay intaa ku darayaan in ciidamada Jabutiyanka ah ay bedeli doonaan ciidamada Ethiopia ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Cutubka Koowaad ee ciidammada AMISOM ee gaaray deegaanka Kalabeeyrka ayaa la filayaa in saacaddaha soo aadan ay gaarraan xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne, si halkaasi looga sii wado howlgallada ka dhanka ah Al-Qaacidda.