Ciidamo Itoobiyaan dheeraad ah xadka Soomaaliya kasoo gudbay

Ciidamo kale oo Itoobiyaan ah ayaa kasoo gudbay xadka Soomaaliya xilli la filayey in ay ka baxaan magaalooyinka ay haatan gacanta ku hayaan ee koonfurta iyo bartamaha.

Ciidamadaan oo wata gaadiid badan oo ah kuwa ay caanka ku yihiin Itoobiyaanka ee Uuraal ayaa kasoo gudbay saacadihi lasoo dhaafay xadka Gobolka Gedo uu la wadaago Itoobiya.

Saraakiil Soomaali ah oo ku sugan Gedo kana gaabsaday magacyadooda ayaa sheegay in gaadiidkan ay gaarayaan ilaa iyo 50 baabuur oo ay ku jiraan taangiyo, balse waxay ka gaabsadeen faah faahin kale.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamadaan ay duulaan ku yihiin gobolka Jubada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo oo ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Dhawaan Ra’isulwasaaraha Itoobiya Males Zanawi ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay weerari doonaan magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.