Ciidamo Itoobiyaan ah oo soo galay qeybo ka mid ah gobolka Bakool

Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay soo buux dhaafiyeen deegaan lagu magacaabo Yukud.

Ciidamadaan oo wata gaadiid dagaal ayaa waxa la socda ciidamo Soomaali ah oo lagu soo taba baray dalka Itoobiya, waxaana ay gaareen deegaanka Yukud saakay aroortii.

Cabsi ayaa durbaba lasoo gudboonaatay dadka deegaanka iyo tuulooyinka u dhaw dhaw oo ka baqanaya in halkaasi uu ka dhaco dagaal maadaama gobolka Bakool ay gacanta ku hayaan Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Itoobiya iyo kuwa dowlada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in ay qorsheynayaan in ay kala wareegaan Al Shabaab gobolada Bay iyo Bakool, xilli ay dhawaan qabsadeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.