Ciidamo Itoobiyaan ah oo saakay lagu weeraray Baladweyne

Miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa saakay lagu weeraray ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxyada oo ahaa laba ayaa la sheegayaa in lala eegtay ciidamo saakay aroortii ku lugeynayey bariga magaalada Baladweyne oo ah halka ay u badanyihiin Itoobiyaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa hore uu ka dhacay xilli ay ciidamo lugeynayey ku socdeen wado dhexmarta dhanka bari ee magaalada Baladweyne, intaasi kadibna waxaa xigay rasaas ay fureen ciidamada.

Qaraxa labaad ayaa dhacay marki ay ciidamo kale oo gurmad ah goobta tageen si ay u qaadaan askar la sheegay in ay waxyeelo kasoo gaartay kuwaasi oo aanan la xaqiijin tiradooda.

Rasaas badan ayaa laga maqlayey goobta iyadoo guud ahaan uu xiranyahay saakay ganacsiga magaalada, waloow haatan jawiga uu u muuqdo mid soo hagaagaya.

Qaraxyada lala eegto ciidamada Itoobiya ayaa noqday kuwo kusoo badanaya magaalada Baladweyne, waana halka ugu badan ee lagu weeraro ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Xaalada magaalada ayaa haatan dagan waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq dhaqaaqa ganacsiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here