Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu weeraray Baladweyne

Rag hubeysan ayaa xalay weeraray fariisin ay ciidamada Itoobiyaanka ku leeyihiin magaalada Baladweyne.

Rasaas iyo qaraxyo ayaa laga maqlay fariisin ay ciidanka Itoobiya ku leeyihiin xaafada Howlwadaag oo ka mid ah afrta xaafad ee ay ka koobantahay Baladweyne, iyadoo marki danbana ay xaalada qabowday.

Sida ay wararku sheegayaan kooxaha weerarka qaaday oo aanan la ogeyn cida ay yihiin ayaa marki danbe cararay lamana oga halka ay ka yimaadeen, hase yeeshee saraakiisha maamulka Dooxada Shabelle ayaa ku eedeeyey in ay yihiin canaasir ka tirsan Al Shabaab.

Ma jirto wax qasaaraha ah oo ka dhashay weerarkaasi, balse waxa uu noqonayaa weerarki ugu horeeyey ee si toos ah loogu qaado ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baladweyne.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.