Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku dhex dagaalamay gudaha Soomaaliya

Amisom troops are not being paid properly despite the high risks involved with serving in Somalia
Amisom troops are not being paid properly despite the high risks involved with serving in Somalia

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu soo waramayaa ineey ku dhex dagaalameen magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud iyagoona iska dilay dhowr askari.

Ciidamada Itoobiyaanka ee isku dhex dagaalay saldhiga ay ku lahaayeen Ceelbuur ayaa la sheegay in dagaalkooda uu salka ku haayo xaalada cakiran ee haatan ka taagan Gudaha Itoobiya.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dhowr askari halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo hada lagu dabiibayo Isbitaal ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Baydhabo.

Ciidamada dagaalamay ayaa la sheegay ineey kasoo kala jeedaan Qowmiyadaha Oromada iyo amxaarada oo isku dhinac ah kuwo Tigree ah.

Dhinaca kale waxaa xusid mudan in ciidamada Itoobiya ay faarujiyeen fariisimo ay ku lahaayeen Hiiraan, Galgaduud iyo Bakool islamarkaasna ay u ruqaansadeen dhinaca Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here