Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhoolatus ka sameeyey duleedka Balad Xaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah ay saakay dhuulatus milatari ka sameeyeen deegaan u dhaw degamadaasi.

Dhoolsatuska oo ay ka naxeen dadka ku nool magaalooyinka Mandheera iyo Balad-Xaawo ayey ciidanka Itoobiyaanka ku dab rideen madaafiic fara badan, waxaana ay ku ridayeen deegaan buuraleey ah oo u dhaxeeya labada magaalo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankaan ay ku sugnaayeen maalmihi lasoo dhaafay deegaan buuraley ah oo u dhaxeeya Mandheera iyo Balad Xaawo, iyadoo ay la socdaan ciidamo Soomaali ah oo lagu soo taba baray dalka Itoobiya.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw ciidanka dowlada ee ku sugan gobolka Gedo ayaa sheegayain ciidamadaan ay doonayaan in ay howlgal milatari ku qaadaan Al Shabab-ka Gedo iyo Bay.

Ciidamada Itoobiya ayaa bishi hore dhamaadkeedi qabsaday magaalada Baladweyne marki ay dagaal xoog leh ku qaadeen Al Shabab oo horay u maamuli jiray deegaanka.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

1 COMMENT

Comments are closed.