Ciidamo isugu Jira AMISOM iyo Dowladda oo Buufoow la Geeyay Si Weerarada Shabaab Looga Hortago

Masuuliyiinta maamulka Dowladda ee Magaalada Marka ee xarunta Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in deegaanka Buufoow la geeyay ciidamo isugu jira Dowladda iyo AMISOM.

Arintani ayaa ka dambeysay kadib markii Deegaanka Buufoow dhowr mar uu ka dhacay dagaal lagu soo qaaday wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya taasi oo keentay in si deg deg ah halkaasi ciidan loo geeyo.

Sidoo kale Guddoomiyaha Magaalad aMarka ee xarunta Gobalka Shabeelha Hoose Axmed Macalin Cukaash ayaa sheegay in ciidanka ay meesha ka saarayaan awooda Shabaab ee ku aadan weerarada ay kasoo qaadaan halkaasi.

Wuxuu sheegay in Buufoow dhowr mar ay kasoo qaadeen weeraro ay ku qaadeen wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu kamid yahay wasiirka Gaashaandhiga iyo wasiirka arimaha gudaha.

hadii ciidamadaan ka tirsan AMISOM iyo Dowladda Soomaaliya ay si toos ah ugu nagaadaan Degaanka Buufoow taasi waxa ay meesha ka saaraysa weerarada ciidamada Shabaab ay halkaasi kasoo qaadi jireen.

Maalin kahor ayeey aheyd markii Saraakiisha ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ay shaaciyeen in deegaanka Buufoow la geynayo ciidamo si awooda Shabaab halkaasi weerarada ay kaga soo qaadaan meeesha looga saaro.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here