Ciidamo hoostagaya QM oo loo soo wado Muqdisho

Ciidamo hoos-tagaya QM oo loo soo diraayo Muqdisho
Ciidamo hoos-tagaya QM oo loo soo diraayo Muqdisho

Dowladda Uganda ayaa 410 askari oo ku hawlgali doona United Nations Guard, u soo dirtay magaalada Muqdisho, xilli ammaanka Xarunta Somaliya ay noqotay mid uu fashil ku yimid.

Ciidamadaan, ayaa waxay ka socdaan Dowladda Uganda, balse waxay ku hawlgali doonaan magaca United Nations Guard.

Afhayeenka Ciidamada Dowladda Uganda Col. Paddy Ankunda, ayaa maanta sheegay in Ciidamadaan ay noqonayaan noocoodii ugu horeeyay, oo loo daabulo Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka, ayaa intaa raaciyay inaanay Ciidamadaan wax shaqo ah ku lahayn Ciidamada kale ee Amisom, laakiin ay hoostaggi doonaan Taliska Amisom ee Xalane.

Mar uu ka hadlaayay waxa keenay in Ciidamadaan loo daabulo Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu ku sheegay dalab kaga yimaaday dhinaca Dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Sarkaalkaan, ayaa xusay in dalabkaan uu ka dambeeyay markii weerar ismiidaamin ah uu Khamiistii ka dhacay maqaaxi ku taala Wadada Fiat, oo ku dhow Xarunta Hay’adda Nabad Suggida ee Soomaaliya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here