Ciidamo gadoodsan oo maanta qal qal galiyay Beled-xaawo

Ciidamo katirsan doowlada Federaalka Soomaaliya oo gadoodsan, ayaa maanta Bandow kusoo rogay degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo.

Ciidamadan gadoodsan ayaa la sheegay ineey Albaabada isugu dhufteen goobihii ganacsiga, iyo isku socodka dadka iyo Gaadiidka, waxaana la xaqiijiyay in mudo ku dhow halsaac ay magaalada ahayd mid xaniban oo bandow ah.

Ciidamadan gadoodsan ayaa sheegay inaan mudo bilo ah la siinin wax mushaaraad ah, oo aysan siini saraakiisha ku sugan Gedo iyo maamulka doowlada ee halkaas kataliya.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa deegaano katirsan Gedo waxa ka soconayay bixinta Mushaaraadka Ciidamada.

Goordhow ayaa la sheegayaa ineey si teel teel u bilaawdeen isku socodka dadka iyo gaadiidka iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqii magaalada, balse waxaa jira goobo ganacsi oo weli xiran.

Majiro wax war ahoo kasoo baxay maamulka magaalada ka arimiya, kaasoo ku aadan bandowga ay Ciidamada gadoodsan magaalada kusoo rogeen.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here