Ciidamo gadoodsan oo la wareegay dekeda iyo Bankiga Boosaaso

Ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland, gaar ahaan kuwa daraawiishta oo ahaa qaybtii qaabilsaneyd la dagaalanka Al-shabaab kuna sugan buuraleeyda Gal-gala, ayaa lagu soo waramayaa in caawa gudaha magaalada Boosaaso lagu arkay.

Dadka deegaanka qaarkood oo aan lahadalnay waxay noo sheegeen ineey arkeen gawaari gaareysa ilaa iyo 35 oo ah kuwa gaashaaman, waxaana la sheegay ineey ka yimideen dhinaca buuraleeyda Gal-gala.

Ciidamadan soo galay Bosaaso ayaa horey fariisimo ugu lahaa buuraleyda Golis iyo qeybo kamid ah togaga taga deegaanka Galgala oo ay ku sugan yihiin Al Shabaab, ayaa soo baneeyey goobihii ay difaaca uga jireen iyagoo xalay soo degay kontaroolka koonfureed ee magaalada Bosaaso.

Ciidamadan oo ku gaashaan gaadiidka dagaalka ayaa maanta gudaha usoo galay magaalada Bosaaso isla markaana xiray qeybo kamid ah xarumaha dowlada oo ay ugu horeyso dekkada weyn ee magaalada Bosaaso iyo Xarunta Bangiga.

Ciidamadan ayey saraakiisha wata sheegeen in wax dhaq dhaqaaq ah aan laga sameyn Karin dekkada waxayna in muddo ah gebi ahaan kala xireen dhaq dhaqaaqii dhinaca dekkada weyn ee magaalada Bosaaso oo ah isha dhaqaalaha Puntland.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here