Ciidamo Ethoipian Ah oo Ku Dhintay Qarax Miino Ka Dhacay Baladweyn

Wararka naga soo gaaraaya Magaalada Baladweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in barqonimadii maanta Magaalada Baladweyne qarax Miino lala eegtay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Magaaladaasi.

Ilaa hadda inta la ogyahay 3 askari oo Ethoipian ah ayaa ku dhintay qarax miino oo maanta ka dhacay magaalada Baladweyn ee xarunta gobbolka Hiiraan.

Ciidamada Ethoipianka ah ee dhintay ka sokow waxaa sidoo kal ejira Ciidamo Ethoipian oo qaraxaasi ku dhaawacmay.

Wararku waxaa ay sidoo kale soo sheegayaan in dadkii qaraxaasi geystay ay baxsadee, balse rasaas tiro badan oo ay Ciidamada fureen ayaa waxaa ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ku suggnaa gobbtii qarax uu ka dhacay.

Magaalada Baladweyn waxaa sidoo kale ka socda howlgallo ballaaran oo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada EThoipia iyo kuwa Dowladda Soomaalida.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here