Ciidamo Dowladda Katirsan oo Tababar Loogu Soo Xiray Xudur

Ciidamo katirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa tababar loogu soo gaba gabeeyey magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Guddoomiyaha degmada Xudur ee gobolka Bakool Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in cutub katirsan ciidamada Dowladda ay tababar ugu soo gabagabeeyeen degmada Xudur.

Guddoomiyaha Maxamed Macalin Axmed ayaa ciidamada dowladda ee tababarka loo soo afmeeray ayaa ka gaabsaday sababo military awgeed, waxa uuna xusay in ciidamadaani ay qeyb ka noqon doonaan hawlgallo dhawaan ka bilaawan doono gobbolada Bakool iyo Bakool kuwaasi oo ay ugu soo horjeedaan Xarakada Al-Shabaab.

Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay kamid tahay degmooyinka ay Ciidamada Dowladda iyo kuwa teegaara ee Ethiopia kala wareegeen Al shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here