Ciidamo dowlada oo saakay howlgalo ka wada degmada Boondheere

Ciidamada booliska ee dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta howlgalo baaritaano ah ka wada degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Ciidamadaan oo saakay ku dheelmaday xaafadaha degmada Boondheere ayaa baaraya gaadiidka, dadka iyo meelaha ay ka shakiyaan sida ay xaqiijinayaan dadka deegaanka.

Taliska ciidanka booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in howlgalkan uu yahay mid ay ku xaqiijinayaan amaanka caasimada gaar ahaan degmada Boondheere.

Ciidamada dowlada ayaa sadexdi maalmood ee lasoo dhaafay hwolgalo baaritaano ah ka waday degmooyinka gobolka Banaadir, iyaga oo howlgaladaasina kusoo qab qabtay dad kala duwan oo ay uga shakiyeen amaan darri.

Dhanka kalana taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir, Khaliif Axmed Erag ayaa uga digay dadka ka ganacsada dharka ciidanka dowlada howlha ay faraha kula jiraan.

Waxa uu sheegay in ay ka war hayaan dad ka bayac mushtara dareeska ciidanka kuwaasi oo ka iibiya maleeshiyaad u badan tuugo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.