In ka badan 100 ruux oo lagu qabtay howlgal maanta laga sameeyey Ceelasha Biyaha + Sawiro

Ciidamo boolis ah ayaa maanta lagu wareejiyey amaanka guud ee deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah kan ugu deegaanada loo barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo ku qalabeysan gaadiid cusub oo kuwa booliska ah isla markaana isugu jira shabaqlayaal, ambalaas iyo kuwa yar yar ayaa dagay saldhiga Ceelasha oo ay horay u joogi jireen Al Shabaab.

Isla maantana waxay ka sameeyeen Ceelasha howlgalo lagu soo qabtay dad ka badan 100 ruux oo ay taliyaasha amaanka ku sheegeen in ay u badnaayeen dad ka tirsan Al Shabab.

Taliyaha ciidanka qeybta bartamaha ee gobolka Banaadir Garaad Nuur Cabdulle ayaa isaga oo ku sugan Ceelasha Biyaha u sheegay saxaafada in booliska ay si toos ah hada kadib u howlgali doonaan.

Waxa kale oo uu ugu baaqay shacabka in ay guryahooda kusoo laabtaan amaankoodana uu haatan suganyahay.

Howlgalki maanta waxaa sido kale qeyb ka ahaa ciidamo loogu magac daray Alpha Forces kuwaasi oo aanan wajiyadooda la aqoonsan karin sababo la xiriira goodad ugu duuban.

Ceelasha Biyaha ayaa ah deegaanka ugu balaaran uguna dadka badan deegaanada ku yaala inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Daawo Sawirada laga soo qaaday Ceelasha Biyaha

 

 


Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.