Ciidamo ajnabi ah oo xalay xoog kaga furtay burcad badeed rag afduub loogu heystay bartamaha Soomaaliya

Ilaa iyo shan diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga isla markaana hawada ka ilaalinayeen 3 miig ayaa xalay xoog ku furtay laba nin oo u kala dhashay dalalka Mareykanka iyo Denmark kuwaasi oo lagu heystay bartamaha Soomaaliya.

Ciidamo kumaandoos ah oo la socday diyaaradaasi isla markaana loo maleynayo in ay yihiin Mareykan ayaa marki hore kasoo dagay garoonka dyaaradaha Gaalkacyo, inyar kadibna waxaa ka duulay dhowr xabo kuwaasi oo abaaray deegaan ku yaala xadka gobolada Mudug iyo Galguduud halkaas oo ay koox burcad badeed Soomaali ah ku heysteen laba nin oo dhamaadka sanadki hore laga afduubay koonfurta Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ajnabiga ahaa ay dagaal la galeen raga burcad badeedka ahaa, iyaga oo ka hor dagaalkana sun ku furay goobta lagu hayey laba nin, wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalki halkaasi ka dhacay ay ku dhinteen 8 nin oo burcad badeeda ka tirsan, sadex kalana nolasha lagu qabtay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen meydadka sideed ruux, iyo qof dhaawac halis daran ah, waxa kale oo ay tilmaameen in ay horay u kaxeysteen sadex kale.

Howlgalkaasi la yaabka leh oo fulay xalay saqdi dhexe, waxa ciidamadi ajnabiga ahaa ay iyaga oo bad qaba ku furteen labada nin ee la heystayaasha ahaa oo u shaqeynayey hey’ada dhinaca miino baarista ah.

Waa marki ugu horeysay oo ay ciidamada Reer Galbeedka kula dagaalamaan gudaha dalka Soomaaliya ama barriga kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Wali waxaa lagu hayaa gobolka Mudug wariye Mareykan ah oo horaanti todobaadkaan laga afduubay magaalada Gaalkacyo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.