Ciidamda Badda ee Turkiga oo gacanta ku dhigay Burcad badeed Soomaali ah

Ciidamada badda ee dalka Turkiga ayaa ka badbaadiyey koox burcad badeed ah dooni ay afduub u haysteen iyadoo la sheegay in sidoo kale ciidamada Turkiga ay badbaadiyeen dadkii afduubka loo haystay.

War qoraal ah oo lasoo dhigay Page-ka Intermet-ka kana soo baxay dowlada dalka Turkiga ayaa lagu sheegay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mirenes-ka Turkiga Burcad badeed Soomaali ah.

Warka ayaa intaas ku daraya in kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ah laga bad baadiyay Dooni laga leeyahay dalka Yeman.

Howlgalkan ayaa waxaa uu ka dhacay meel udhow xeebaha fog ee dalka Cumaan sida ay ku warantay wakaalada rasmiga ah ee Turkiga.

“Howlga ay sameeyeen guuto ciidamo ah oo si gaar ah utababaran ayaa waxaa ay gacanta ku dhigeen 14 burcad badeed Soomaali ah oo laga bad baadiyay dooni laga leeyahay dalka Yeman’ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga.

Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa iska caabiyay ciidamada Turkiga taas oo markii danbe keentay in ay adeegsadaan diyaarado dagaal.

Kooxaha burcad badeeda Soomaalida ah ayaa wali afduub ka wada biyaha fog ee Soomaalia.

Waa markii labaad ee toddobaadkan kooxo burcad badeed ah si xoog ah looga soo furtay maraakiib iyo dad ay afduub u haysteen. Waxaana dhowaan ciidamada dalak Holland ay badbaadiyeen dad afuub loo haystay xeebaha Soomaaliya.