Ciidamda Amaanka Ee Uganda oo ku Raad Jooga 5 Nin oo la Sheegay inay yihiin Alshabaab ku Dhuumaaleysanaya Dalka Uganda

Booliiska Dalka Uganda ayaa maalmahan ku jira nasasho la’aan, iyagoo ku raad jooga 5 Nin oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Xarakada Alshabaab ee ka dagaalanta gudaha Dalka Soomaaliya.

Ku xigeenka Afayeenka Booliiska Uganda Vincente Sekate oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamda amaanka ay ku raad joogaan 5 Nin oo argagaixiso ah, kuwaasoo ku dhuumaaleysanaya dalka Uganda.

Sarkaalkan u hadlay Booliiska Uganda ayaa sheegay in Ragaan ay yihiin kuwa laga baadi goobayo caalamka oo dhan, isagoo shaaciyay inay ku dhuumaaleysanayaan magaalooyinka dalkan Uganda, wuxuuna xusay inay baadi goobayaan.

Ku xigeenka Afayeenka Booliiska Uganda ayaa magacyada Ragan Shanta ah ku sheegay sidan.

Aqriso Magacyad

Cali  Salax Aadan

Nam A, Amur

Abdullaahi Ahmed

Abdiraouf jdey

Mohamed Nor Ali

Sarkaalka ayaa sheegay in ragaan ay yihiin kuwa qaraxyada ka geysta dalka gudihiisa, sida ugu dhaqsaha badana loo soo qaban doono.

Masuulkan u hadlay Booliiska Uganda ayaa sheegay in Ragan argigixisada ah ay masuul ka ahaayeen weeraradii ka dhacay Kampala sanadi 2010-ka ee, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ugandes ah oo badan.

” Dagaalyahanadan ajaaniibta ah waxa ay caawiyaan shabaabka ka dagaalama Soomaaliya, waxaana ay ka dambeeyaan qaraxyada ka dhacaya ” ayuu yiri Ku xigeenka Afayeenka Booliiska Uganda.

Ugu dambeyna Sarkaalka ayaa shacabka Uganda ku wargaliyay inay ka digtoonaadaan ragaasi, isla markaana ay soo wargaliyaan hadii ay helaan macluumaad ku saabsan Ragaasi argigixisada ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here