Ciidamadii ugu horeeyey ee ka socda AMISOM oo maanta la geeyey magaalada Baydhabo

Ciidamadii ugu horeysey oo ka socda AMISOM ayaa la geeyey maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ay ciidamadan ay isugu jiraan ciidamo ka socda dalka Uganda iyo wadanka Brundi.

Ciidamadan oo tiradooda gaareyso illaa boqol askari ayaa waxaa loogaga qaaday dayuurad gaar ah garoonka dayuuradaha ee magaalada Muqdisho iyagoo ka degey garoonka dayuuradaha ee magaalada Baydhabo.

Askartan ka socota AMISOM ayaa lagu wadaa in qeyb qeyb loo geeyo magaalada Baydhabo si ay qeyb ugaga noqdaan ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ee la qorsheeyey in la geeyo magaalada Baydhabo.

Illaa iyo 2500 oo askari ayaa la qorhseeyey in la geeyo magaalada Baydhabo illaa iyo dhamaadka bisha April sanadka 2012ka, si ay ugala wareegaan ammaanka magaalada Ciidamada Itoobiya.

Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in Ciidamo ka socda AMISOM la geyn doono Magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyn oo dhowaan laga saaray Shabaab, waxaana qeyb ka tahay qorshe AMISOM uga howl galeyso Gobolada dalka.

Waa markii u horeysay ee ciidamo ka socda AMISOM la geeyo meel ka baxsan caasimada Muqdisho tan iyo sanadkii 2007-dii oo markii u horeysay ciidan ka socda Midowga Afrika ay ka howlgalaan dalka Soomaaliya.