Ciidamadda Dowladda iyo AMISOM oo Dhaqdhaaqayo Ciidan ka Wada Sh/Hoose

Wararka ka imaanaya deegaano ka tirsan gobbolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamadda dowladda oo garabsanaya kuwa AMISOM ay dhaqdhaaqyo ciidan ka wadaan deegaanada ay kaga sugan gobbolkaasi.

Ciidamadda ayaa la soo sheegayaa inay dhaqdhaaqayo ciidan ka wadaan gobbolka Shabeelaha Hoose waxaana la hadal hayaa in ciidamadda sakaay ay qorsheynayaan inay u runqaansadaan deegaano badan oo ay kamid tahay Shalaanbood iyo deegaano kale.

Wararka qaar ayaa tibaaxaya in ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM uu qorshahooda yahay maanta oo Sabti ah inay gaaraan Magaalada Marka ee gobbolka Shabeelaha Hoose.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay saraakiisha ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM ayaanan inoo suurtogelin in qadka teleefoonka aan ku haleelno.

Magaalada Marka oo ah magaallo ay ku sugan yihiin Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa la soo sheegayaa in ciidmaadda Al-Shabaab iyo saraakiishooda ay faarujiyeen kuwaasi oo ku sii jeesaday dhanka Magaalada Baraawe halkaasi oo ay ku xooggan yihiin Xarakada Al-Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here