Ciidamada Turkiga iyo Siiriya oo madaafiic isku weydaarsaday xadka kala qeybiya labada dal

Ciidamada madaafiicda dalka Turkiga ayaa ka jawaabay duqeyn ay u geysteen ciidamada Siiriya gudaha dalka TUrkiga iyadoo ay ku dhinteen duqeyntaas shan ruux oo Turkey ah.

Haweeyney iyo saddex carruur ah ayaa la sheegay inay kamid ahaayeen dadka ku dhintey madaafiic ay soo rideen ciidamada Siiriya  kuna dhacday magaalada Akcakale ee dalka Turkiga.

Jawaabta ay bixisey dowlada Turkiga ayaa ah tii ugu horeysey oo ay u geysato tan iyo markii dagaalada ay ka bilowdeen Siiriya 18 bilood kahor waxayna dowlada Turkiga ka codsatay Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaado weerarka gardarada ah ee lagu soo qaaday.

Sidoo kale ururka Nato ayaa shir degdeg ah ka yeeshay arrinta ka soo cusboonaatay dalka Turkiga oo xubin ka ah gaashaanbuurta Nato.

Waxayna gaashaanbuurta Nato ka soo saartay warmurtiyeed kulan ay ku yeesheen Brusselss iyagoo ku sheegay in ay garab taagan yihin dowlada Turkiga ayna ugu baaqeen dowlada Siiriya inay joojiso falalka gardarada ah ee ay bilowday tixgelisana sharciyada caalamiga ah.

Baarlamaanka dalka Turkiga ayaa maanta kulan ka yeelanaya arrimahan waxaana laga yaabaa in ay u fasaxaan ciidamada Turkiga inay ka gudbaan xadka kala qeybiya labada dal sidii hore ay ugu sameeyeen ciidamada Turkiga gudaha dalka Ciraaq

Hore ayaa madaafiic ugu soo dhacday gudaha dalka Siiriya kuwaaso ka imanayay wadanka deriska la ah ee Turkiga hase yeeshee madaafiicdii Arbacadii ku soo dhacday gudaha dalka Siiriya ayaa ahayd tii ugu waxyeelada badanayd.

Dalka Siiriya oo ay dagaalo isaga soo horjeedaan dowlada uu madaxda ka yahay Assad iyo mucaaradka ka soo horjeeda ayaa qaraxyo ka dhacay magaalada Allepo shalay waxaa ku dhintey in ku dhow afartan ruux iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan.

 

1 COMMENT

  1. Qalalaasada syria kadib waxa kuxigaa turkey. Inti dagaal lagaliya baa loogabixi doona markas baa ladhihi doona laba wadan oo muslim ah baa dagaalamihaaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here